La’aantoodana Ba’ Tahay; Badnaantoodana Shil Tahay!
Biyaha: Waa Awoodda Nololeed – Soomaaliya
Biyuhu waa saldhigga nolosha. Dadka, xoolaha, dhirta, iyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada dhaqaale waxay ku tiirsan yihiin biyaha. Haddii aysan biyo jirin, dalag ma baxayo, xoolo ma noolaanayaan, bulshana ma horumari karto. Laakiin sida biyo yaraantu u keento gaajo iyo dhibaato, biyaha xad-dhaafka ahna waxay isu beddeli karaan awood wax burburisa. Taasi waa xaqiiqada ku jirta oraahda: “La’aantoodana Ba’tahay; Badnaantoodana Shil tahay” Soomaaliya, gaar ahaan meelaha sida Beledweyne kamid tahay, hadalkani wuxuu ka tarjumayaa nolol
maalmeedka bulshada ee sida caadiga ay u arkeen iyadoo si joogta ah ay arinkaan usoo noqnoqoto, hadii ay abaar ahaan leheyd ama fatahaad uu wabiga keeno ahaan leheyd. Dadku waxay si joogto ah ula kulmaan abaaro soo noqnoqda iyo fatahaado xooggan, kuwaas oo mararka qaar dhacaya dhowr sano gudahood, taasoo caado dunida kale u eheyn.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada iyo biyo yaraanta. Sida ay sheegaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada samafalka, malaayiin Soomaali ah ayaa wajahaya biyo la’aan xilliyada qalalan, halka fatahaaduhuna ay kumannaan qof ka barakiciyaan xilliyada roobka. Webiga Shabeelle oo mara Beledweyne ayaa marar badan fatahay, isagoo burburiyay guryo, beeraha, waddooyinka, iyo ganacsiyada. Isla markaana, abaaruhu waxay qalajiyaan ceelasha iyo dhulkii daaqa, taasoo qoysaska iyo xoolahaba ka dhigta kuwo aan helin biyo ku filan.
Biyo yaraantu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee haysta bulshada reer miyiga Soomaaliya. Tuulooyin badan, dadka waxay safarro dhaadheer u galaan sidii ay biyo u heli lahaayeen, gaar ahaan xilliyada qalalan, (Dry periods). Dumarka iyo carruurta ayaa inta badan waqti badan ku bixiya raadinta biyaha halkii ay waxbarasho ama shaqooyin kale ka qayb gali lahaayeen. Beeralaydu waxay lumiyaan dalagyadooda sababtoo ah ma helaan biyo waraab ah, oo joogto u ah, halka xoolo-dhaqataduna ay waayaan xoolo badan biyo iyo daaq la’aan darteed. Gaajo iyo faqri ayaa sii kordha, arimahaan dhacaya dartood, sababtoo ah biyuhu waxay si toos ah ugu xiran yihiin wax soo saarka cuntada, quudinta xoolaha nool. Iyadoo aan la helin roob joogto ah ama keyd biyo sida barkado iyo harooyin lagu kaydiyo biyaha, si loo isticmaalo xiliyada (Dry Period), ka ama xiliyada qalalan, sidaas darted bulshada waxay sanad walba wajahayaan halis cusub oo si joogto ah ugu habsato.
Biyuhu Markii ay Wax Kasta Yihiin!
Biyuhu waxay door weyn ka qaateen horumarka ilbaxnimooyinka bani’aadamka tan iyo waqtiyadii hore. Ilbaxnimadii Dooxada Indus, Masartii hore ee Webiga Niil, Mesopotamia ee wabiyada Tigris iyo Euphrates, iyo ilbaxnimadii Shiinaha ee Webiga Yellow River waxay dhammaantood ahaayeen bulshooyin ku tiirsanaa biyaha, Qaasatan Soomaliya oo soo gala laba il biyood oo aad ugu muhiimsan nolosha dadka, ayaa hada waxaa aad usoo ifbaxaayo in qulqulka biyaha labada il biyood ay aad hoos ugu sii dhacaayaan sanadba sanadka kasii danbeeya, iyadoo aysan jirin heshiis ilaalinta qulqulka biyaha ah ee ka dhexeeya (Upstream Country-Ethiopia) iyo (Downstream Country-Somalia), si loo wadaago qeyraadka Alle bixiyaha ah ee cidna si gooni ah iney ugu takrifashaa ka imaaneyso dhibaato cunto yari taas oo ka timaada dalaga soo baxaa sanadkii oo hoos u dhacaa, ebelba helista roobabka sanadlaha ah ee Soomaaliya oo aad uyar hadane, waxaa jirta heerka qoraxda wadanka oo aad u sareyso, taas oo abuureysa in uumi baxa biyaha Webigaa sameyneyso inuu aad u sara koco, waxaa warbixintaas soo gudbisay Bank ga Aduunka, iyagoo sheegay in Shantii Sano ee lasoo dhaafay from 2020-2025 in cunada kazoo go’daa webiga uu hoos u dhacay, taas oo lala xiriiriyay heerka uumi baxa webiga suubiyo inuu sanadba sanadka kasii danbeeyaa uu aad u korshaayo, Shaqsiyan waxaa ka sameeyay cinwaankeyga Qalinjabinta barnaamijkeyga Master ka ah, oo ku aadan side isbedelka cimilada u saameynayaa qulqulka biyaha iyo uumi baxa biyaha webiga ku dhacaa, ee sanadba sanadka ka danbeeya sii kordheysaa; anigoo taxliil ilaa 2100 ka sanadka markuu noqdo sida uu naqanaayo uumi baxa webiga ka hadlay.si gooni ah Ayaan cinwaan uga soo sameyn doonaa Inshallah.

Goorma Ayay Biyuhu Barako Yihiin?
Muhiimadda biyaha waxaa si fudud loo fahmi karaa marka la eego ilbaxnimooyinkii hore ee
dunida. Biyuhu waxay gacan weyn ka geysteen horumarkooda dhinacyo badan sida beeraha,
ganacsiga, caafimaadka, iyo nolosha guud ee bulshada.
Biyaha waa isha kaliya ee Alle bixiyaha ah, waana il kuxiran waxkastaa ee dhaqaaqa, mar waa il biyo aan ku noolnahay ah, (Source of Drinking water) mar waxaan ku beernaa dalaga, si cunto loo soo saaro, (Agricultural Productivity) mar waa macno aan gaadiid ahaan u isticmaalno oo maraakiibta ay ku safraan, (Bad, Webi, Haro, Gal, Doox) intaba si loo gaaro meel, iyadoo lagu safraayo, (Easy Mode of Transportation). Mar waxaa ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta warshadaha, (Industrial Development), mar waxaa ay kaalin weyn ka qaataan dhalinta tamar koronto, (Hydropower generation). Markaas ayey biyaha noqdaan barako.

Goorma Ayay Biyuhu Musiibo Noqdaan?
Waxaa jira dhibaatooyin badan oo la xiriira biyaha. Qaar ka mid ah dhibaatooyinkaas waa kuwo dabiici ah sida fatahaadaha iyo abaaraha, halka qaar kalena ay yihiin kuwo si toos ah uga dhasha ficillada bani’aadamka sida wasakheynta biyaha, biyaha dhulka hoostiisa oo wasakhooba, iyo cudurrada ka dhasha biyaha wasakhaysan.

Ma Jiraa Saameyn Aadanaha Ka Timaadda Oo Ka Dambeysa Dhibaatooyinka Loo Yaqaanno (Aafooyin) Sida Fatahaadaha iyo Abaaraha?
Jawaabtani waa mid aad muhiim u ah!
Musiibooyinka dabiiciga ah sida fatahaadaha iyo abaaraha waxaa si weyn uga sii daran falalka aadanaha sida xaalufinta dhirta, wasakheynta deegaanka, maarayn xumada dhuleed, iyo isbeddelka cimilada ee jira. Inkastoo dhacdooyinkaas ay si dabiici ah u dhici karaan, haddana ficillada bani’aadamku waxay kordhiyaan darnaantooda, soo noqnoqoshadooda, iyo saameynta ay ku yeeshaan dadka, nolosha bulshada, iyo deegaanka.
Dhanka kale, biyaha badan ayaa iyaguna noqon kara kuwo dhimasho iyo burbur keena. Fatahaadaha Soomaaliya ee gaar ahaan Beledweyne ayaa marar badan sababay khasaaro weyn sannadihii la soo dhaafay. Waa tusaale naf iyo hantiba ku baaba’day. Roobabka culus iyo kororka biyaha webiga ayaa qoysas badan ku qasbay inay ka qaxaan guryahooda si ay ugu badbaadaan arinkaas kadibna u guuray meelo ammaan ah. Biyaha fatahaaddu waxay burburiyaan beeraha, wasakheeyaan biyaha la cabo, faafiyaan cudurro, waxayna dhaawacaan waddooyinka iyo adeegyada bulshada.
Soo noqnoqoshada abaarta iyo fatahaadaha afartii ama saddexdii sano mar waxay muujinaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo maareyn wanaagsan oo biyaha ah. (Water Management) Biyaha waa in aan loo arkin oo keliya khayraad dabiici ah, balse waa xoogga dhaqaajiya horumarka, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, iyo nabadda bulshada. Dalalka si wanaagsan u maareeya biyaha waxay awoodaan inay hagaajiyaan sugnaanta cuntada, dhaqaalaha, iyo caafimaadka bulshada. Soomaaliya waxay faa’iido weyn ka heli kartaa webiyadeeda iyo roobabka xilliyeed haddii la sameeyo nidaamyo sax ah oo lagu maareeyo biyaha.
Mid ka mid ah xalalka ugu muhiimsan waa dhismaha keyd-biyoodyo, biyo-xireenno, iyo nidaamyo lagu kaydiyo biyaha gaar ahaan miyiga. Xilliyada roobka iyo fatahaadaha, biyaha badan waa la kaydin karaa halkii ay khasaaro ku keeni lahaayeen bulshada. Biyahaas la keydiyo waxaa loo isticmaali karaa xilliyada abaarta si loogu waraabiyo beeraha, loogu cabo xoolaha, iyo baahiyaha qoysaska. Sidoo kale, bulshada waxay u baahan yihiin difaacyo adag oo ka hortaga fatahaadaha sida darbiyada webiyada iyo marinno biyaha daadadka lagu leexiyo, iyo sidoo kale webiga oo si joogto ah laga fakaro caro bixintiisa, si leefalkiisa uusan usoo dhaafin.
Dhallinyarada Soomaaliyeed waa inay door weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ilaalinta biyaha iyo deegaanka. Dhallinyaradu waa hoggaamiyeyaasha, injineerrada, macallimiinta, iyo qorsheeyeyaasha mustaqbalka kuwaas oo abuuri kara xalal waara. Waa inay fahmaan in biyuhu aysan ahayn oo keliya wax lagu noolaado, balse ay yihiin masuuliyad loo baahan yahay in si xikmad leh loo ilaaliyo loona maareeyo.
Gabagabadii, biyuhu Soomaaliya waxay u yihiin barako iyo caqabad labadaba. Marka ay yaraadaan, dadka way gaajoodaan, noloshuna way adkaataa. Marka ay bataanna, waxay burburiyaan guryo, beeraha, iyo bulshada oo dhan. Khibradda Beledweyne waxay si cad u muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in biyaha si dheellitiran loo maareeyo iyadoo la adeegsanayo keyd-biyoodyo, qorsheyn wanaagsan, iyo wacyigelin bulsho. Runtii, biyuhu waa awoodda dhaqaajisa wax kasta, mustaqbalka Soomaaliyana wuxuu ku xiran yahay sida loo maareeyo khayraadkan qaaliga ah.
References
- United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Somalia Flood and Drought Reports.
- Food and Agriculture Organization (FAO) Water and Climate Challenges in Somalia.
- UNICEF Somalia – Water Scarcity and Rural Communities Reports.


