La’aantoodana Ba’ Tahay; Badnaantoodana Shil Tahay!
Biyuhu waa laf-dhabarta nolosha, balse Soomaaliya gudaheeda biyo yaraantu waxay keentaa gaajo iyo nolol adag, halka fatahaadaha xad-dhaafka ahi ay noqdaan awood wax burburisa oo saameysa bulshada, dhaqaalaha, iyo deegaanka.


